Wararka
(AKHISO): Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir guddoomiyya Shirka toddobaad laha ah ee Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweynaha waxaa shirka ku wehlinaayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana todobaadkan looga hadlay Amniga, Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo, Qorshaha horumarinta 5-sano ee Puntland iyo Shirka dib-u-eegista Waxbarashada ee sannadlaha ah.
Sidoo kale shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Diyaargarowga Xuska 8-da Janaayo oo ku beegan sanad guuradii kowaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland.