Wararka
Ahlusunna Waljamaaca oo soo gudbiyay Liiska 20-kii Xildhibaan ee ugu horeeyay.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Gudoomiyaha Gudiga Maamul udhisida Galmudug Cabdi naasir Geele Cilmi Ku wareejiyay Liiska 20ka Xildhibaan ee Ahlusuna ee Ku yeelatay Barlamaanka Labaad ee Galmudug.
Guddiga Maamul u dhisida dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhankooda soo dhaweeyay Liiska 20-ka Xildhibaan ee kamidka noqon doona golaha baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug.
Sidoo kale guddiga ayaa u mahadceliyay cid kasto oo gacan ka gaysatay dhaqan galida heshiiskii ay horay u gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Ahlu sunna Waljameeca.
Hoos ka akhriso liiska magacyada 20-ka xildhibaan: