Wararka

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada oo kulan la qaatay madaxa ugu sareeya wasaaradda Tacliinta sare ee dalka Masar.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa dalka masar kullan kula qaatay madaxa ugu sareeya wasaaradda Tacliinta sare ee dalka Masar Prof Kamilia Subxi oo ah u qaabilsan dhanka deeqaha waxbarasho iyo heshiisyada dibedda.

Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay ka wada hadleen labada masuul sidii ay ardada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa ka faaideysiga deeqaha waxbarasho dalka masar oo ay sanad walba dawladda Masar ugu deeqdo Soomaaliya loona yareyn lahaa caqabadaha soo wajaha ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka hela dalka masar.

“waxaan maanta kullan kula qaatay dalka masar madaxa ugu sareeya wasaaradda Tacliinta sare ee dalka Masar Prof Kamilia Subxi oo ah madaxa ugu sareeya una qaabilsan dhanka deeqaha waxbarasho iyo heshiisyada dibedda, waxaan ka wada hadalnay sidii ay ardada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa ka faaideysiga deeqaha waxbarasho oo ay sanad walba dawladda Masar ugu deeqdo Soomaaliya loona yareyn lahaa caqabadaha soo wajaha ardayda hesha deeqaha” ayuu yiri Cismaaciil Yuusuf Cismaan.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxaa kulanka kuwehlinaayay u qeybsanaha waxbarashada iyo dhaqanka safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo xubno kale oo safaaradda ka mid ah.Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close