Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dib ugu soo laabtay Mugdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiyiinta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya  Dr. Cabdi Maxamed Sabriye oo booqasho shaqo ku tagay Magaalada Baydhabo Maalinimadii shalay ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa markii uu  Garonka diyaaradaha soo gaaray waxaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa uuna  mudadii uu ku sugnaa Beydhabo uu la kulmay Guddomiyaha Baarlamanka KGS Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ,wasiiro ,Xildhibaano ,iyo Mas’uliyiin kale.

Ujeedada booqashada ayaa aheed wadatashi ku aadan xulashada xildhibaanada labaad ee dowlad goboleedka K/galbeed,kuwaas oo uu kala hadlay Madaxweynaha KGS , C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddomiyaha Baarlamanka KGS.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close