Wararka
Wasiirka caddaaladda oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirka cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta magaalada Mugdisho kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u jooga Soomaaliya James Swan iyo shaqaale kale oo kamid ah Qaramada Midoobe.
Wasiirka ayaa Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya kala hadlay sidii ay Qaramada Midoobe ugu caawin laheed taageeridda caddaaladda iyo adeegya la xeriira oo laga fulinaayo gobolada dalka.
Wasiirka ayaa ugu danbayn u mahadnaqay dhamaan shaqaalaha Qaramada midoobe sida ay u garab taagan yihiim dowlada Soomaaliya oo ay ugu caawiniyaan dib u dhiska xarumaha cadaaladda ee dalka.