Wararka
Madaxweyne Deni oo Kulan La Qaatay Haweenka Gobolka Bari.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar ka mid ah laamaha amniga iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn kulanka uu la qaatay haweenka uga warbixiyey qorshaha dowladda ee gobolka iyo guud ahaan haweenka Puntland, intaas ka dibna wuxuu Madaxweynuhu dhageystay qaar ka mid ah haweenka oo warbixin ka siiyey Madaxweynaha sida ay u shaqeeyaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaaday in haweenku ay door muuqda ku yeelan doonaan Xukuumadda.
“Xukuumadda aan Madaxda ka ahay iyo dowladdanba ahmiyad gaar ah baan siin doonaa haweenka haddii Alle idmo anagoo u aragna in ay yihiin mustaqbalka biri oo muhiim ah, waxaan doonayaa in aan xogaha aan hayno idinla wadaagno dowladda si mug leh aad ugu qeyb qaadataan, waana caddeynayaa waxaad tiraahdeen haweenku xaggee ka tirsan yihiin?, haweenku Wasaaradaha oo dhan bay ka tirsan yihiin dowladdana laf-dhabar bay u yihiin”. ayuu yiri madaxweynaha Puntland.