Wararka
Puntland oo Joojisay Xafiisyada Siyaasadeed ay furayanaaan Xildhibaanada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquradiyeyta Dowlad goboleedka Puntland Ayaa la faray dhamaan Cida ay khusayso In la Joojiyey Furashada Xafiisyada Siyaasadeed Ee Xildhibaanada Dowlada federalka ah ee Soomaliya ee Kasoo Jeeda Puntland.
Sidoo kale qoraalka Kasoo baxay xafiisk wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland waxa lagu yiri” Xildhibaanada hadda ka furtay xafiisyada qayba kamid ah deeganada dowlad goboleedka Puntland kuma aysan imaan hab degaan doorasha ee waxay ku imaadeen hab beelaha ay kasoo jeedaan”.
Wasaaradda ayaa gabi ahaanba mamnuucday xafiisyada siyaasadeed iyo kuwa ay hadda furteen qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Puntland waxaa ayna ku eedeysay in ay san jirin wax sharci doorasha oo dowlada dhexe iyo dowlada xubnaha ka ah ku heshiiyeen.