Wararka

wasiirka waxbarashada oo goalaha shacabka ka hor akhriyay mucaahaddada Unesco ee Dhowridda Hidda Dhaqameedka aan muuqan iyo midka dabiiciga ah

wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre oo maanta ka qayb galay furitaanka Kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay mucaahaddada Unesco ee Dhowridda Hidda Dhaqameedka aan muuqan iyo midka dabiiciga ah oo ay dalalka caalamka kala saxiixdeen sannadkii 1972 iyo 2003.

wasiirka ayaa sheegay in horay ay labadaan mucaahado ugu soo ansixisay golaha wasiiradda xukuumada federaalka haddana ay dooniyaan in Baarlamaanka federaalka ay u meelmariyaan si ay ugu mid noqdaan saxiixayaasha mucaahadadaan.

“Waxaa horay labadan mucaahado noogu ansixiyay Golaha Wasiirada XFS, isla markaana aan dooneyno in baarlamaanka dalka noo meelmariyaan si aan uga mid noqonno saxiixayaasha mucaahadadaan, si hay’adda UNESCO ay noogu diiwaangeliso waxyaabihii laga dhaxlay awoowayaasheen, sida dhismayaasha qadiimiga ah ee magaalooyinka Muqdisho, Seylac, Baraawe, Marka iyo meelo kale oo dalka kamid ah”. ayuu yiri wasiir Godax Barre.Image may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, living room, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close