Wararka
Shirka isbuuclaha ahaa ee waxyaha Daqliyada Dowladda Hoose oo Muqdisho lagu qabtay.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale (ibraahim dheere) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyay kulanka isbuuclaha ahaa ee waxyaha Daqliyada Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankaan oo ka dhacay xafiiska gudoomiye ku xigeenka Maamul iyo maaliyadda ayaa waxaa na intii uu socday looga hadlay dardar galinta Daqliga Dowladda Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale ayaa u mahadceliyay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay iyo sida wanaagsan ee ay aragtidooda ugu dhiibteen dardar galinta Daqliga Dowladda Hoose.