Wararka
Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddoomiyaha Ahlu Sunna iyo madaxa xukuumadda Galmudug.
Ra’iisal wasaarha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb ku qaabilay guddoomiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheeq Mohamed Shakir oo booqasho ugu yimid.
Ra’iisal wasaaraha ayaa shalay galinkii danbo ka dagay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Golahiisa wasiirradda, xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, madaxa xukuumada Galmudug iyo masuuliyiin kale.
Kulanka uu maanta ra’iisal wasaare Khayre la qaatay madaxa xukuumada Galmudug iyo guddoomiyaha Ahlu Sunna ayaa ka danbeeyo shaki ay xubnahaani ka muujiyeen in dowlada ugu baxday balankoodi balse wax faahfiin ah lagama bixin kulankaasi.
Maalinimada baritoole ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug kaas oo ay ugu tashaniyaan aayaha Galmudug.