Wararka

(DAAWO): Shirwaynaha xisbiyada siyaasadda Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho.

Kulanka oo  xog waraysi Ahaa ayay madaxda xisbiyadu diiwanka gashan  kaga doodayeen  xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha shacabka Baarlamanka federalka Soomaaliya.

Waxayne shirka xisbiyadu diirada ku saareen qaar kamid ah qodobada ku qoran xeerka dorashooyinka ee wasaarada arimaha guduha xukuumada Soomaaliya diyaarisay.

Maxada xisbiyada ayaa aad uga doodeen lacagta uu bixinayo musharaxa kursiga Baarlamanka isku taagaya halka ay ku dhacayso iyo cida maamulaysa.

Qodobka kale ee madaxda xisbiyadu ay ka doodeen ayaa ahaa mudada doorashadu loo diyaar garoobayo  ee  xeerka dorashooyinku ku qoran, waxayna soo jeediyaan in laga dhigo 120 xisho halka xeerka doorashooyinka ee Baarlamanka horyaala ay ku qorantahay 90 cisho in loogu diyaar garoobo doorashada dalka.

Qodobka xiisaha lahaa ee dooda xisbiyada lagusoo qaaday waxuu ahaa xildhibaanka xisbi kayimaada ee fulinwaaya danaha xisbiga waxa laga yeelayo, iyadoo xisbiyada qaar ay soo jeediyeen in xilka laga qaadi karo hadii xildhibaanku uu fulinwaayo danaha xisbiga uu kayimid.

Shirka iyo dooda kadib ayaa nuxurka shirka waxaa warbaahinta u aqriyay Cabdiraxmaan Sulayman Jaamac guddoomiyaha Xisbiga shacabka soomaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close