Wararka
Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay safar uu laba maalin dalka ugu maqnaa.
Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi xaashi cabdullahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaana uu faahfaahin ka bixyey kulamo uu la qaatay madaxwaynaha dalka Jabuuti Iyo Guddoomiya Baarlamaanka Jabuuti.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ay isla meel dhigeen In ay sameeyaan guddi saaxiibtinimo ah wuxuuna sheegay in ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi ka kooban 66 xubin oo lix kamid ah ay kasocdaan dhanka Baarlamaanka Jabuuti halka lixdanka kala ay kasocdaan Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya.
Cabdi xaashi cabdullahi, Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn waxaa uu mahadcelin ballaaran u soo jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti kaas oo uu sheegay in uu u sameeyay soo dhaweeyn heer keedu sareeyo.