Wararka
Magalada Beledweyne oo Maanta lagu qabtay kulan wada tashi ah.
Magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta lagu qabtay kulan Wada tashi ah oo ay kasoo qayb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne waxaana kulanka soo qaban qaabiyay Wasaraadda Qorshaynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Raxmaan Cabdullaahi Guleed iyo Siciid Maxamuud Axmad Xiriiriyaha Qorshaha Qaranka ayaa sharaxad ka bixiyay muhiimda kulankaan.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Axmad Food Cade iyo ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahin Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay kulankaan wadatashiga ah.