Wararka
DOWALADA KENYA OO CODSATAY IN KIISKA BADDA LAGU XALI SI HOOSAAD
Dowlada Kenya ayaa war qoraal ah kasoo saartay sheegashada beenta ah ee ay ku sheeganayso qayb kamid ah biyaha dalka Sooomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay dowladaasi Kenya ayaa ka koobnaa 9 qodob waxaana badan kood loogah hadlay wax qabadka iyo ciidamadeeda ka howl gallo Soonaaliya kuwaas oo ku jooga magaca iyo Mandate-ka Ciidamada Nabad sigiidda Midowga Africa ee AMISOM.
dowlada Kenya ayaa sheegtay in go’aanka maxkamada cadaaladda addunka ay saameen karto Soomaali badan kuwaas oo sida warqadda lagu sheegay ku firaarsan Gobolka oo dhan.
Kenya waxaa ay soo jeedisay in khilaafka Muranka badda ee ay beenta ku sheeganayso lagu xaliyo si waddahadal ah loona Gudbiyo Hay,addaha ama xubnaha Midowga Africa (A.U) si xal loogu gaaro murankaasi.
Dowalada Kenya waxaa kala oo ay caawo warqaddeeda ku sheegtay in Baarlamaanka dowlada uu isaga aqbalay heshiiskaan biyaha badda kaas oo ay ku sheegtay ku dhawaaqistii “FATWA”.
Maxkamada Caddaalada addunka ee (ICJ) ayaa shaacisay in Horaanta bisha Soosocota labilaabi doona dhagaysiga dacwadda muranka badda kaas oo soo bilawday sanadkii 2014-kii.
HOOS KA AKHRISO WARQADDA: