Wararka
Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo Loogu Hadlay Xaalda Amni Ee Deegaanada Jubbaland Iyo Doorashooyinka.
Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo uu shir gudoominayey Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, doorshooyinka Jubbaland iyo qodobo kale.
Shirka oo inta badan ay galaha wasiiradu goobjoog ahaayeen ayaa Madaxwayne ku-xigeenku waxaa uu golaha uga warbixiyey safarkii uu dhowaan Kismaayo ku yimid wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasi oo kulamo la qaatay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddiga doorashada Jubbaland kulamadasi oo Madaxwayne ku-xeenku golaha u sheegay in ay is afgarad ku soo dhamaadeen.
Intaa KA dib Waxa Warbixino Looga Dhageystay Wasaaradaha Amniga, Arrimaha gudaha iyo Kalluumaysiga.
Ugu horayn Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixisay xaaladda amni ee deegaanada Jubbaland, iyadoo golaha sharraxaad ka siisay arrimihii ugu dambeeyey ee qarixii ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalada Kismaayo.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ayaa dhankeeda warbixin laga dhagaystay, waxayna wasaaraddu soo bandhigay horumarro laga sameeyey mashaariic dhanka kalluumaysiga ah.
Ugu Dambeyntii Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland ayaa faah faahin ka bixisay arrimaha doorshooyinka iyo halka ay marayaan, waxayn wasaaraddu sheegtay in arrimaha doorashooyinku ay ku socdaan si habsami leh.