Wararka
FBI-da maraykanka oo laga codsaday in ya baaritaan ku sameeyaan isticmaalka Software-ka FaceApp.
Chuck Schumer oo ah senator kamida mudanayaasha maraykanka ayaa FBI-da maraykanka ka codsaday in ay baaritaan ku sameeyaan aalada FaceApp.
Sanatarkaan ayaa FBI u sheegay in isticmaalka aaladaan FaceApp ee ku shaqaya taleefoonada casriga ah ee loo yaqaana (Smartphone) uu kudbiyo Macluumaadka Qofka Isticmaalaya.
App-kaan oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku shaqeeya internetka waxaa uuna saadaliyaa sida uu ruuxa isku badali karo 50 Sano Kadib ama U ekaan Karo Muuqaal Ahaan.
Sanatar Chuck Schumer ayaa sheegay in app-kaan uu dalka Ruushka u gudbinaayo macluumaadka muwaadiniinta Maraykanka taasna ay halis galin karta sirta shacabka Maraykanka waxaa uuna ka digay in la isticmaalo FaceApp-ka.
Kambaniga soo saaray app-ka FaceApp ayaa dhankiisa iska dheereeyay in uu keediyo macluumaadka dadka isticmaala Barnaamijkooda.
Baraha bulshada ayaa asbuucaan waxaa la’ishddafasanaayay sawiro lagu bedelay Software-kaan La yiraahdo FaceApp Kaa Oo ruuxa Isticmaala u muujiya 50 sano Kadib Sida uu Muuqaal ahaan Ruuxaasi u eekan Karo iyadoo ay Sadaal uun tahay.