Wararka
Ra’iisal wasaare Abiy oo gaaray Caasimada Asmara ee dalka Eritrea.
Ra’iisal wasaaraha dalka Itobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa maanta Booqasha laba maalin ah ku tagay dalka Eritrea waxaana caasimada Asmara ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isais Afwerki sida uu bartiisa twitter-ka kusoo qoray wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel.
wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay in labada masuul ay kawada hadli doonan xeriirka labada dalka iyo waliba xaaladaha Gobolka.
Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed waxaa kamid ah wasiirka dhaqaalaha Itoobiya Ahmed Shide iyo masuuliyiin kale.
Waa booqashadii labaad ee uu Dr. Abiy Ahmed uu ku tagay caasimada Asmara ee dalka Eritrea kaidb heshiisya nabadeed oo ay gaareen sanad ka hor.