Wararka
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka hadlay dhibaatada deegaanka oo wasaqoowa.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta Juun ayaa ku baaqay in la mas’uuliyad laiska saaro hagaajinta deegaanka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in uu maanta qaylo dhaan u diraayo dhamaan shacabka soo maaliyeed si wax looga qabto deegaanka ay Soomaalida ku nooshahay.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan diro qaylo-dhaan deegaan taas oo ku qotonta sida deegaankeennu usii baaba’ayo lana joogo waqtigii qofkasta uu isuxil-qaami lahaa sidii deegaankeennu u noqon lahaa mid saamaxaya nolosha jiilka haatan iyo kuwa dhalan doona”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dikhowga Hawada uu si guud sannadkii u galaafto nolosha dad kabadan 7 malyuun oo ruux kuwaas oo eersada ku noolaanshaha deegaan wasakheysan, Neefsashada hawada wasakheysanna ay ka mid ah dikhwoga sababi kara khatarta caafimaad, dhibaato dhaqaale iyo bedqabka bulshooyin caalamka.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Jarista dhirta iyo gubista dhuxushu ay qayb ka yihiin kororka wasaqaynta hawada ee dalka iyada oo sidoo kalena maareyn xumada qashinka iyo qiiqa gawaarida dalka oo badankoodu gaboow yihiin ay qayb ka yihiin wasakhowga.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in Soomaaliaya ay diyaar u tahay inay qayb ka ahaato dedaalada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo wasakheynta hawada, oo ay abuurayso dedaal taariikhi ah oo ku aaddan bedqabka deegaanka Soomaaliya.