Wararka

Masar oo 10 askari lagu dilay.

Masar ayaa muddo afar sano dagaal kula jirta kooxda daacish oo saldhig u ah waqooyiga Jasiiradda Sinai.

Maanta oo ay dalka Masar u tahay maalinta koowaad ee ciidul fadriga ayaa koox dagalamayaal Islami ah weerar ku qaadeen ciidan ku sugnaa bar koontorool oo ku taallo caasimada Al-Arish ee Jasiiradda Sinai.

Waxaa weerarkaas ku dhintay ciidan tiradooda ay gaarayso 10 askari sida ay sheegeen mas’uuliyiin koobtaas kusugan, weerarka ayaa ka dhacay caasimada Al-Arish ee Jasiiradda Sinai xili ay dadka muslimiinta ah ee ku nool halkaasi ay u dabaal dagayeen munasabada ciidul fadriga.

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in kooxda Islamiyiinta ay koontoroolka ku soo weerareen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo ay rabeen in uu u fududeeyo habkii ay gudaha ugu galilahayeen meesha ay munaasabada ciidul fadriga kasocotay.

Waxaa intaas lagu daray in askarta dhimatay ay kamid yihiin laba taliye illaa hadana majirta cid sheegatay weerarkaas.

Masar ayaa muddo afar sano dagaal kula jirta kooxda daacish oo saldhig u ah waqooyiga Jasiiradda Sinai.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close