Wararka

Madaxa xukuumadda Galmudug oo hambalyada ciida u diray shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Maanta waxaa ay qaar kamida gobolada dalka u tahay maaliintii 2-aad ee ciidul fadriga halka kuwa kale ay haddaba ay salaada ciidul fadriga kujiraan, khilaafkaan ayaan ku koobneen Soomaaliya oo kaliya balse waxaa ayna jiraa dalal badan oo ay maanta u tahay maalinta 1-aad ee ciidul fadriga.

Maamulka Galmudug ayaa ah mid kamida meelaha saaka laga oogaayo salaada ciidul fadriga waxaana shacabka ku dhaqan deeganadaas hambalya u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Maamulkaan ayaa maalin kadan beeyay bilaawgii soonka kaas oo laga wada soomay dalka intiisa kale maanta ayayna iyagu u tahay maalinta 1-aad ee cidul fadriga.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa Ebba uga baryey in uu Ka aqbalo dhamaan dadkii soo gutay Acmaashii soonka intii lagu guda jiray bishii barakeysneed ee Ramadaan, isagoo shacabka ku dhaqan deeganada Galmudug ku waaniyay in ay maanta isu gargaaran oo ay farxada ciidana wada qaybsadaan si ayuu yiri Allah ugu gargaaro.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close