Wararka

Madaxweynihii Haiti oo hoygiisa lagu qaarijiyay. (AKHRISO).

Sida uu xaqiijiyay ra’iisul wasaaraha kumeelgaarka ah ee dalka Haiti Claude Joseph waxa hoygiisa lagu qaarijiyay Madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse.

Claude Joseph wuxuu sheegay in hoyga madaxweynaha ee Port-au-Prince ay weerareen niman hubeysan oo aan haybtooda la garanayn 01:00 waqtiga maxaliga ah (05:00 GMT).

sidoo kale Marwada Koowaad ayaa la sheegay inay iyaduna ku dhaawacantay weerarka.

Jovenel Moïse, oo 53 jir ah ayaa xukunka hayay tan iyo bishii Febraayo 2017, kadib markii uu xilka ka degay Michel Martelly oo isaga ka horeeyay.

Mr Moïse waqtigiisii ​​xafiiska wuxuu ahaa mid aad uxun maadaama uu la kulmay eedeymo musuqmaasuq waxaana caqabad kala kulmay mowjadaha mudaharaadyada rabshadaha wata ee dowladda looga soo horjeedo.

Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhacay caasimadda iyo magaalooyin kale horaantii sanadkan, iyadoo dadku ay ka dalbadeen inuu is casilo.

Mucaaradka Haiti ayaa sheegay in mudada shanta sano ah ee Mr Moïse ay ahayd inay ku egtahay 7da Febraayo 2021, shan sano ilaa maalinta uu ka tagay madaxweynihii ka horeeyay ee Martelly.

Mr Moïse, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkeystay inuu heysto hal sano oo dheeri ah oo uu sii shaqeeyo maadaama uusan xafiiska la wareegin ilaa 7da Febraayo 2017.

Dib u dhaca sanadka oo dhan waxaa sababay eedeymaha musuqmaasuqa doorashada oo aakhirkii la arkay natiijada doorashadii 2015 oo la baabi’iyay iyo doorashooyin cusub oo la qabtay, oo uu ku guuleystay Mr Moïse.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close