Wararka
(AKHRISO): Maxay cidkasto xisa gar ah ugu ledahay doorashada Maraykanka?
Iyo halka ay hatan marayso iyadoo la tiriyay codadka 31 gobol ayaa waxaa natijada hoggaaminaayo Musharaxa Dimuquraadiga ee Joe Biden...

Doorashada dalka Maraykanka waa mid sacad kasto isbadal uu ku imanayo. haddii uu Biden helo 270 codadka Electrol College oo ah 50 ka Isteet (Ismaamul) ee Maraykanka waa Madaxweynaha cusub ee afarta sano ee soo aadan dalka Maraykanka.
Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Ribablikaan ka oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweynaha hatan wakhtigiisu idlaaday ee Donald Trump iyo Joe Biden ayaa ilaa iyo hatan si xoogan isugu dhaw inta la tiriyay codadka ka imanayo gobolada dalkaasi.
1. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa sanadkaan ka codeeyay gobolada Alabama, Arkansas, Indiana, Kentucky, Tennessee, Oklahoma, South Carolina, Waqooyiga iyo Koonfurta Dakota, Galbeedka Virginia, iyo Louisiana. Goboladaan ayaa waxaa horay ugu codeeyeen Madaxweyne Trump doorashadii 2016 kii.
2. Musharax Madaxtinimo ee Maraykanka, Joe Bide ayaa isna waxaa ka codeeyay gobolada Colorado, Connecticut, Delaware, Vermont, Maryland, Massachusetts, New Jersey, New York, Washington DC, New Mexico, iyo New Hampshire.
3. Donald Trump, oo ah 74, ayaa isku dayaayo in uu mar kale ku guulaysto kursiga madaxtinimada dalkaasi si uu ugu dheerado in uu noqda Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku guldaraysto doorashada Madaxwyne isagoo xilka hayo kadib gul daradii ku dhacday Madaxweynihii hore ee Maraykanka George HW Bush sanadkii 1992.
4. Shacabka Maraykanka ayaa ah kuwa si dhaw ula socda cida ku guulaysan donta xilka inkastoo horay loo shaaciyaay in aysan caawo soo gaba gaboowin natiijada doorashada. (Xasuus noow in wakhtiga uu noo kala badalanyahay oo ay maalin notahay wakhtiga bariga Africa).
Siida ay Soomaalida ugu kala qaybsan yihiin Dooarashada aan natijadeyda wali la shaacin.
Soomaalida Dibada ku nool gaar ahaan dalka Maraykanka ayaa faaido u arko xisbiga Republican ka uu hoggaamiyo Madaxweynaha hatan talada haye ee Donald Trump madama mab Da’a xisbigaas uu diin ahaan wax fara galin ah ku hayn Soomaalida iyo cidkasto oo ku nool gudaha Maraykanka.
Balse Soomaalida dibada ku nool ee doonayo in ay daganaasho ka helaan Maraykanka ayaa ku dhib qabo mab da’ xisbigaan ee ku aadan dadka soo galootiga ama dadka ka imanayo wadamada ay colaada ka jirta.
Xisbiga Republican ka ayaa amin san “dalkayga ii daa ana kaga kugu imaan maayo” taas oo uu horayba ugu mabnuucay in dalkaasi ay yimadaan dadka ka soo jeedo dalal garayo 11 dal oo ay Soomaaliya ka mid aheed.
Maxay Soomaalida Ku nool meel ka baxsay Maraykanka u daneenayaan in uu Biden guulaysto?
Soomaalida ku nool meel ka baxsan America ee daneeynaayo in Biden gulaysto waxaa sabab u ah siyaasada Biden ee soo galootiga. Xisbiga Republican ayaa dhabaha u xarayo in dadka donayo Maraykanka loo sahlo imaatinkooda lana soo dhaweeyo.
Balse siyaasada Biden ee ku aadan qorshahiisa dhimista ama joojinta shidaalka ee marka la gaaro 2050 ka ayaa ah mid lid ku ah dalka Soomaaliya oo ah dal qani ku ah shidaalka haatana u jeystay soo saarka shidaalka.