Wararka
(KHRISO): Maxaa ka cusub dalka faransiska?

Faransiiska waxaa la adkeeyay amaanka goobaha dadweynaha ku badan yihiin sida Iskuulada, Jaamacadaha, Baararka, Kaniisadaha iyo wadooyinka magaayoyinka dalkaasi ka gadaal markii shalay weerar loo adeegsaday Toorey lagu dilay seddex ruux oo kaniisad ku jiray.
Weerarkaas oo ay laamaha amniga faransiisku sheegeen in uu gaystay nin ay magaciisu ku sheegeen Brahim Aouissaou aw is sa u ayaa waxaa uu dhinta kaga jaray Laba ruux oo midi dhidig tahay halka midka kalena uu lab yahay. sidoo kale haweney kale ayaa iyana u dhimatay dhaawac soo garay.
Dhibanayaasha waxyeelada soo gartay ayaa lagu kala magacaabaa; Vincent Loquès, oo 55 sano jir ahaa waxaa uuna ka shaqaynaayay kaniisada muddo 10 sano ah. Sidoo kale waxaa uu ahaa aabe Dhalay laba caruur ah.
Haweenayda labaad ayaa iyadana wasaaradda arrimaha dibada Barazil ku sheegtay in ay aheed Simone Barreto Silva, oo 44 sano jir ah.
Waxaa ay aheed hooya dhashay seddex caruur ah, waxaa ayna ku dhalatay magaalada Salvador ee dalka Barazil iyadoo Faransiiska ku nooleed.
Haweeneyda kale ayaan magaceeda la shaacin balse da’deeda ayaa lagu sheegay in ay jirtay 60 sano.
Qoyska edeysanaha ayaa ka falciliyay ficilka uu wilkooda ku kacay waxaa ayna sheegeen in uu ahaa ruux wanagsan oo aan waligiis mujin xagjirnimo.
Da’da ka weyn Brahim Aouissaoui oo magaciisu la yirahdo Yassin ayaa wakaalada wararka Reuters ku yiri ” Waxaa uu xushmeyn jiray dadka kale waxaa uuna aqbali jiray aragtiyadooda kale duwan. Nooma uusan sheegin in uu ka tagaayo Tunusiya waana la yaabnay markuu noo sheegay in uu garay Talyaaniga”
Madaxweynaha dalka faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay kor dhin doonaan ciidamada ilaalinta amniga dalkaasi oo ay gaarsiiin doonaan 7,000.
Weeraradaan ayaa iminaayo ka dib markii macalin Iskool ka dhiga dalkaasi Faransiiska uu ardaydiisa la wadaagay Sawir Gacmeed uu ugu gafay Nabigeena Suuban Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaate kaas oo ugu danbeyn uu qooracay wil yar oo Iskuulka dhiganaayay.
Dhacdooyinkii is-xig xigay ee dalkaasi faransiiska ka dhacay:
Oktoobar 2020: Macallinka Faransiiska ah ee Samuel Paty ayaa qoorta looga jaray bannaanka iskuul ku yaal xaafadda Paris.
Sebtember 2020: Laba qof ayaa mindi si xun loogu dhaawacay magaalada Paris meel u dhow xafiisyadii hore ee Charlie Hebdo, halkaas oo xagjiriin Islaamiyiin ah ay ka geysteen weerar lagu hoobtay 2015 sida lagu dabacay wakaladaha wararka faransiska.
Oktoobar 2019: Howl wadeenka kombiyuutarka booliska xagjirka ah Mickaël Harpon ayaa ladilay ka dib markii uu mindi ku dilay seddex sarkaal iyo qof rayid ah oo ka shaqeynayay xarunta dhexe ee booliska Paris.
July 2016: Labo nin ayaa weerar ku dila baadari ku sugnaa kaniisad ku taal xaafada Rouen ee waqooyiga France iyagoo dhawac xun soo garsiiyay ruux kale.
July 2016: Nin hubeysan ayaa gaari weyn oo xamuul ah dar darsiiyay dadweyne u dabaal dagayay maalinta Bastille ee magaalada Nice, halkaas oo uu ku dilay 86 qof. weerarkaas oo ay sheegteen kooxda la magac baxday dowladda Islaamka (IS).
Nofeembar 2015: Rag hubeysan iyo rag isqarxiyay ayaa weeraro badan oo isku duuban ku qaaday hoolka xafladaha Bataclan, garoon weyn, maqaaxiyo iyo baarar ku yaal Paris, halkaas oo ay ku dhinteen 130 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
January 2015: Laba dabley hubeysan oo Islaamiyiin ah ayaa xoog ku galay xafiisyada Charlie Hebdo waxayna toogteen 12 qof.