Wararka
Dowlada oo shegtay in sanadka 2021-ka la hirgalin doona ilaa iyo 100 Iskuul.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Xukuumadda aan laga sugeyn doorashada 20/21, balse howsheedu tahay bixinta Dhaqaalaha, ciidamada ammaanka, Gaadiidka & howlaha Guddiga farsamo u baahdo.
Wasiir Dube ayaa sheegay in misaaniyadu dowladda lagu xoojinayo adeegyada bulshada gaar ahaan waxbarshada sida qorshahun yahay sanadka soo socdo ee 20121 dalga laga hirgalin doono boqol iskuul ,sidoo kale dib udhis lagu sameynayo cisbitaalo iyo xoojinta garsoorka dalka.
“Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 waxaa ka mid ah in la hirgalin doono ilaa iyo boqol iskuul ,dib udhiska qaar ka mid cisbitaalada dalka iyo xoojinta hay’addaha garsoorka si loo xoojiyo cadaalada” ayuu yiri Wasir Cismaan Abuukar.