Wararka

Madaxweyne lafta Gareen oo kulan la qaatay Odoyaasha Dhaqanka KGS.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa kulan Saacado socday la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

ayaa intii uu socdat waxaa looga hadlay doorka Odoyaasha dhaqanka ka qaatan Hormarka Dowlada ay ku tilaabsatay iyo sidii si nabad iyo Cadaalad ah ugu dhici lahayd Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey in lagu qabto Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa ugu horeyn Warbixin kasiiyey Odeyaasha Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Laga gaaray Hormarinta Bulshada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada Waxaana uu sidoo kale uu Xusay Madaxweynaha in Odeyaasha looga Baahanyahay inay ay Dardargeliyaan Arimaha so Xulista Ergooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, beard

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close