Wararka

Shirka golaha wasiradda KGS oo looga hadlay Qodoba dhowr ah.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha golaha wasiirada Koonfur galbeed oo maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed iyadoona shirka looga hadlay Dhowr ajandayaal oo ay kamid ahayeen Amniga,Cadaalada,Xaalada Degmada Afgooye Samaynta Fatahaadka ,Dib-udhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo iyo kuwo kale ayaa lagu falaqeyey shirka saacadaha uu socday.

Shirka ayaa Ugu Horeyn loogu Tacsiyey Taliyaha Guutada 7aad Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka oo Xalay ku geeriyooday Dagaal Dhexmartay Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliyeed iyo Alshabaab Waxaana Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Tacsiyo Udireen Guud ahaan Shacabka Koonfur Galbeed Gaar ahaan Ehelada uu ka Baxay Marxuumka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gallinta maamulka koonfur Galbeed Ilyas Saciid Calle ayaa marka uu kulanka soo dhamaaday ka warbixiyay.Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close