Wararka

Madaxweyne Farmaajo ” Waxaan jeclahay in Ciidamada Maraykanka sii jogaan Soomaaliya”..

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray madaxweynaha dalka Maraykanka Donal Trump.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu jecel yahay in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan dalka ilaa howl-gallada ay u joogaan ay 100% laga guul gaaro.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Maraykanka uu garab wanagsan siiyay soomaaliya uuna awaal ugu haayo.

“Xaqiiqatan waxaan ugu mahdinaynaa taageerada Maraykanka, waxaan ku faraxsanahay Shaqada ay Maraykanku qabteen waxaana jacelnahay in ciidamada ay sii joogaan ilaa howshu 100% la gaba-gabeeynaayo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khadka Telefonka kula hadlay Shabakadda ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee bloomberg.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xili Madaxweyne Trump uu sheegay in La taliyaasha sare ee Amaanka uu u sheegay in uu jecel yahay in ciidamada Maraykanka ay ka soo baxaan Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close