Wararka

Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Puntland oo sualo waydiiyay wasirka Qorsheynta Puntland.

Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Qorsheyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ee Puntland si wax looga weydiiyo cabasho ay Golaha u soo gudbisay Hay’adda Qandaraas bixinta iyo Iibka Puntland, taas oo lagu aasaasay xeer Lr. 11 ee 2020.

Wasiirka Cabdiqafaar Xaange ayaa guddiga uga warbixiyey shaqada wasaaradda, qorshaha 2020, caqabadaha jira iyo guud ahaan wada shaqeynta ay Wasaaraddu la leedahay Hay’adaha Dawladda iyo cabashada Hay’adda qandaraas bixinta & iibka Puntland.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in Wasaaraddiisa diyaar u tahay wada shaqeynta Hay’addaha, islamarkaana uu garawsaday cabashada laga soo gudbiyey uuna diyaar yahay inuu kala fariisto cabashooyin laga soo gudbiyey, dibna ay iska arkayaan Hay’adda Qandaraas bixinta iyo Iibka.

Intaas kadib, guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey warbixinta wasiirka is uu uga bixiyo sharaxaad iyo faah-faahin dheeriya cabasha ay Hay’addu u soo gudbisay Golaha wakiillada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close