Wararka

Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qatay Wakiilada UNSOM,EU IYO IGAD.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo soo gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo koonfur Galbeed, Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

Wakiilada ka kala Socday Besha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha Wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni.

James Swan wakiilka Qaramada midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha DKGS Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen Hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan”.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close