Wararka
Trump oo doonayo in uu Soomaaliya ka saaro Ciimada Maraykanka?
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la taliyayaashiisa sar sare ku war galiyay in uu doonaayo in ciidmada Maraykanka laga saaro dalka Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Bloomberg News oo maalinimadii Tallaadada daabacday warkaan, ayaa waxaa uu madaxweynaha arrinkaani kala hadlay lataliyaha amaanka Qaranka Robert O’Brien, xoghayaha difaaca Mark Esper iyo madaxa howlgalladada Chairman Mark Milley.
650 ilaa 800 oo ciidan ayaa Maaraykanka ka jooga Soomaaliya kuwaas oo garab siiyo ciidamada dowlada kana taageero dhanka Tababarka iyo saanada militariba.
Tallaabadaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid uu madaxweyne Trump kaga qayb galaayo ololihiisa doorashada.