Wararka

Madaxweyne Muse oo ka tacsisayeeyay Geerida Cali Khalif.

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/10/2020 caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ruugcadaa waaya-araga oo ku xeel dheeraa arrimaha siyaasada, isla markaana door weyn ka soo qaatay Aasaaska iyo dhismii somaliland, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa sooyaalka taariikhda ummadda afka Soomaaliga ku hadasha khaasatan taariikhda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close