Wararka
WAA KUMA CALI GALLEER.
Allah u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Ali khaliif Galler Galler oo ahaa ra’isal wasarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Khaatuma State.
Cali Khaliif ayaa ku sugnaa Magaalada Jig Jiga ee caasimada Dowlad deeganka Soomaalida ka hor inta uusan u dhiman geerida kusoo boodada ah.
Galyr waxoo ku dhashtay magaalada Laascaanood sanadka marka oo ahaa 1941. waxoona wax barasho ku soo dhameestay, jaamacad ku taalo magaalada Boston ee dalka mareykanka. Galayr waxoo ka qeeb galay siyaasada Soomaaliya waxii ka danbeeyay 1966dii. waxoona ahaa nin ganacsiga aad u yaqaan. waxoo ka shaqeen jiray warshadaha sonkorta oo ku taalo magaalada Jowhar, waxoona la shaqeen jiray warshadaha caalamka, gaar ahaan kuwa ingriiska. 1979kii Galayr waxaa loo doortay ka qeebgalka baarlamaanka. 1980kii mudane Maxamed Siyaad Barre waxoo Galayr ku wareejiyay wasiirka Warshadaha sidoo kale waxaa uu soo noqday Agaasime guud Machadka Sidam oo ah kulliyad caan ah oo ku taala faras magaalaha magaalada [Muqdisho], gaar ahaan Degmada Shingaani iyo in uu soo noqday Maareeye guud waxaa uu ka noqday mashuuriic mareerey isagoo isaga tegay dalka kolkii danbe khilaaf soo kale dhex galay isaga iyo madaxweyne Siyaad Barre.
1989 ilaa 1996 galayr waxoo profisor ka ahaa jaamacadi ku taalo dalka mareykanka. 1999 Galayr waxoo ka mid ahaa, shirarkii carta, Jabuuti. sanadka marka oo ahaa 2000 madaxweynaha DKMG mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan waxoo Galayr u doortay ra’iisul wasaaraha soomaaliya. sanadka marka oo ahaa 2001, Galayr waxoo ahaa ninka kaliya oo ka bixiyay ciidamada itoobiyanka gobolka gedo. ayaga oo markaa heestay gobolkaas sanadka marka oo ahaa 1996 ilaa 2001dii.
Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada iskula wadaagay geerida Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cali Khaliif Galleer iyagoo Eeba ugu baryay in uu janadii FardowSo ka waraabiyo.
Masuuliyiin kamid ah dowlada ayaa iyaguna farahooda bulshada ku daabacay fariintooda ku aadan geerida Dr ka waxaa ayna allah u waydiiyeen janatu Fardowso.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Raisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble oo ka tacsiyayeeyay geerida Profosoorka ayaa sheegay in dowlada federaalka ay aas qaran u samayn doonta.