Wararka
Hay’ado Caalami ah oo walaac ka muujiyay Hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha somali oo Saxaafadda la xariiray.
Hay’adaha kala ah: Amnesty International, Human Rights Watch iyo Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ ayaa maanta si wadajir ah walaac weyn uga muujiyay xaaladda xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.
Saddexdan hay’adood qoraal ay u direen Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana ay warbaahinta la wadaageen ayey ku sheegeen in xeerka warbaahinta Soomaaliya ee dhowaan Madaxweyne Farmaajo saxiixay uu yahay mid ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya madax-bannaanida saxaafadda iyo xuquuqda suxifiyiinta, Waxayna soo jeediyeen in xeerka dib loogu laabto.
Sidoo kale saddexdan hay’adood waxay walwal ka muujiyeen hadal uu dhowaan Madaxweyne Farmaajo ku sheegay in saxaafadda qaar ay argagixiso la shaqeeyaan, waxayna saddexda hay’adood hadalkaasi ku tilmaameen mid halis u keeni kara wariyaasha Soomaaliyeed.
Waxay soo jeediyeen in la joojiyo xarigga loo geysto wariyaasha, waxna laga qabto xaaladda cakiran ee xorriyadda hadalka kahor waqtiga doorashada ay galeyso Soomaalida.
https://www.amnesty.org/download/Documents/AFR5231642020ENGLISH.PDF