Wararka
Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari oo qaabilay Guddiga Xuquuqda Aaadanaha.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiiska ku qaabilay Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka iyo Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland oo uu qeyb ka ahaa Madaxda Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland kuwaas oo kulan xog wareesi ah Taliyaha kala yeeshay xaalada maxabiista ay soo qabtaan Ciidamada Booliska Gobalka.
Inta ka dib, waxay kormeer ku tageen Qaar kami ah Qololka ay ku jiraan Maxaabiista ku xiran saldhigyada Bosaaso kuwaas oo ay ka wareesanayeen Qabka ay ula dhaqmaan lamaha amaanka Gobalka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay masuliyiintaan kormeerka ku tagay xarumaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari.