Wararka

Gabar U dhalatay Dalka UK Oo Dhalashadeeda Dalkaasi Ku Lumisay Ka mid Noqoshada Ururuka Daacish.

Shamima Begum oo horey ugu Biirtay Ururka ISIS ayaa lumimaysa Jinsiyadeedii dalkaasi UK Xilli ay qorshaynaysay in dib ugu laabato dalkaas.

Shamima oo hada ah 19 jir ayaa iyada oo 15-jir ah Ee Sanadkii 2015-kii ku biirtay dagaalayahanada Daacish  ee dalka Suuriya, Waxaase Warkeeda la helay dhawaan iyada oo ku sugan Xero qaxooti oo ku taala dalka Suuriya.

Gabadhan ayaa sheegtey in hore dalka Suuriya ugu dhashay labo Caruur oo labaduba uga dhintey dagaalada iyo  dhibaatada ka jirta dalka Suuriya, waxaana ay Shamima   ilmihii Sadexaad dhashay  isbuucii hore, iyada oo Dowladda Britan ka Codsatey in la Cafiyo si dib ugu laabato dalkaas.

Qoyska Shamiima ayaa Sheegay in ay waraaq Jinsiyad kala noqosha ah oo ku socota gabadhooda ay ka heleen Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Britain.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close