Wararka
Shirweynaha Qaran ee soo Bandhigida iyo Xaqiijinta Hanaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaranka Oo Maanta Muqdisho Ka Furmay
Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran,waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee XFS Ayaa Furay Shirka Waxaana Ka Qeyb Galaya Oo Goobjoog Ka Ahaa Gudoomiyaha goalaha Aqalka Sare Ee baarlamaanka federalka Ah Soomaaliya, Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada, Wakiilo Ka Socda Maamul Goboleedyada Iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Shirka ayaa Inta Uu Socdo Waxa diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dhab looga dhigi lahaa