Wararka
Daawo: Ra’isu Wasaare Ku Xigeenka Iyo Wafdi Uu Hor Kacayo Oo U Amba Baxay Dalka Sacuudiga
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa u ambabaxay dalka Sacuudiga Ka Dib MArkii ay Casuumaad rasmi ah Uga Timid.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Qeyb Ka AHaa Wafdsiga Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka warbixiyay qorshaha safarka Wuxuuna Sheegay In dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaha Soomaaliyana, Dhoofinta Xoolaha iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.
Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka.
HALKAAN KA HOOSE KA DAAWO