Wararka
Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bankiga hormarinta Afrika.
Waxaa maanta soo dhamaaday shir labo maalin socday oo u dhaxeeyey wafdi ka socday Bankiga hormarinta Afrika iyo masuuliyiinta wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya, shirka ayaa looga hadlay arimo dhoor ah oo la xiriira deyn cafinta Dalka iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.
Wasiirka maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan ducaalle Bayle ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen iyaga iyo wafdiga ka socday Bankiga hormarinta Afrika.
“Waxaa Xarunta W.Maaliyadda XFS nagu soo booqday wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) oo wadashaqeyn baaxadleh ay nagala dhaxeyso. Masuuliyiinta ka socotay #AFDB waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka wanaagsan ee naga dhexeeyo, inagoo uga mahadcelinay taageerada ay nasiiyaan ee ku saabsan horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiir Bayle.