Wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan.

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ee magaalada Muqdisho kaga kaga dooday qodobo dhowr ah oo horyaalla golahaasi.

Ajandayaasha kulanka maanta ayaa kala ahaa; U codeynta Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada badan iyo Akhrinta 3-aad ee wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.

Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa ansixiyey Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan Waxa Ogolatay 139 Xubno Waxa Diiday 1 Xubin Waxa Aamustay 2 Xubnood waxaa Sidaas ku dhawaacay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close