Wararka
Ciidamada kenya oo sheegay in ay dileen Rag soo weeraray Gaari Bus-ah.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ciidamada Militariga ee loo yaqaano KDF ay dileen afar ruux oo ay kaga shakiyeen in ay tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Sargaal sare oo ka tirsan dowlada Kenya oo magaciisa la yirahdo John Elungata ayaa sheegay in ciidamada ay dileen afartaas dagaalame ayna gacanta ku dhigeen hak ruux kadib markii ay nimankaasi weerar kusoo qaadeen gaari Bus ah oo maraayay deegaanka Nyongoro, ee goboleka Lamu.
ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro gawaarida Bus-ka ah ee iskaaga kala goosha gobolada dalka Kenya waxaana marar hore ee weeraro noocaan oo kale ah ka dhaceen Gobolka Xeebta ee Mombasa, gobolka Waqooyi Bari gobolka Lamu iyo gobola kale.