Wararka
Guddiga gaadiidka ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawad.
Guddiga gaadiidka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin la socday.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga gaadiidka Xildhibaan Cabdi fataax Taahir ayaa ka dhacay Xarunta Villa hargaysa.
Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda ee sanadkii tagay ala wadaagay Guddiga gaadiidka ee Golaha Shacabka.