Wararka
Wasiirk Sabriye”Waxaan ku dadaalaynaa dhagaysiga, qancinta, u tanaazulidda cid kasta oo tabasho qabta”
Wasiirka arrimaha Gudaha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhinacyada Isku haayo Galmudug, xildhibaanada, ASWJ, odayaasha dhaqanka ee Galmudug u mahadceliyay sida ay isfaham buuxa ugu gaareen mugdi yar oo soo kala dhex galay.
“Waxaan u mahad naqayaa dhamaan dhinacyada madaxda sare ee qaranka, xildhibaanada, ASWJ, odayaasha dhaqanka ee Galmudug sida wanaagasan ee is fahamka uga gaareen mugdiga yar ee soo galay dhabbaha lugu dhisayo maamul loo dhanyahay” Ayuu Yiri Wasiir Sabriye.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ka xukuumad ahaan ay dadaal ku bixin doonaan dhagaysiga, qancinta, u tanaazulidda cid kasta oo tabasho qabta iyada la ilaalinayo wada lahaanshaha iyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.
“Anugu federaal ahaan waxaan ku dadaalaynaa dhagaysiga, qancinta, u tanaazulidda cid kasta oo tabasho qabta iyada la ilaalinayo wada lahaanshaha iyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Waxaan uga baaqaynaa dhamaan bulshada reer Galmudug inay usoo jeestaan midnimo, wax wada qabsi iyo isu tanaazulid mahadsanidiin”