Wararka
Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in ay ka aarsan doonaan cidii ka danbaysay qaraxii ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo maanta ka qayb galay banaan-bax ay dhigeen shacabka ku nool 17-ka degmo ee gobolbka Banadir ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysata.
Guddoomiye Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah weerarkii 28-ka bishii Desembar 2019 ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye ayaa sheegay in aysan marnaba muujin doonin oohin balse taasi dhiggeeda ay ka aarsan doonaan ciddii ka danbaysay weerarkiisi.
“Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa’ ayuu yiri Guddoomiye Cumar.