Wararka

Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay dibad bax ballaaran kadib qaaxii Ex-control Afgooye.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Isusoobax ballaaran oo looga soo horjeedo weerarkii loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo 28-kii Desembar 2019 ka dhacay Ex- Contarol Afgooye kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo arday ku jireen.

Isusoo baxaan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad ka kala socday 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir waxaana dadkaasi ka muuqday Shucuur ay ku muujinayeen dhibaatada uu gaystay qaraxaasi.

Shacabkii isku soo baxay ayaa waxaa ay lulayeen Boorar ay ku qoran yihiin hal-kudhigyo ka dhan ah saamaynta qaraxyada. Sidoo kale dadka dibad baxyaasha ah ayaa sitay boorar ay ku xardhanyihiin sawirada madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo la hadlay dadka dibad-baxa waday ayaa ka hadlay gaalinta ay dadweynaha kuleeyihiin xaqiijinta amniga isagoo kula dar daarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dhankooda ka adkeeyaan Amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close